Qaar ka mid ah Isimada Puntland oo soo saaray lix qodob oo lagu xalinayo khilaafka PSF iyo Maamulka Puntland

23

Qaar ka mid ah Isimada Puntland ayaa go’aano ka soo saaray xalinta xiisadii dagaal ee Boosaaso iyo khilaafkii ka taagnaa hoggaanka PSF.
Isimada ayaa soo jeediyay gogol dib u heshiisiin ay u dhigaan Madaxweynaha Puntland, Saraakiisha PSF iyo mas’uuliyiintii hoggaaminayay ciidankii ku dagaalamay Boosaaso.

In Hey’adda PSF ay sideeda ahaato Agaasimaheeduna ahaado Sareeye Guuto Maxamuud Cismaan Diyaano, kana shaqeyso dib u hagaajinta, tayeynta iyo dib u dhiska ciidankii kala irdhoobay iyo difaaca Puntland.

In dowladda Puntland ka laabato heshiiskii Dekeda Boosaaso ee DP World iyo (P&O Ports) maadaama aysan qaban wax la taaban karo muddo ku dhow shan sano.

Isimada ayaa sidoo kale go’aamiyay in 17% Dhaqaalaha Dekedda Boosaaso dib loogu celiyo magaalada, islamarkaana gacanta loo geliyo Isimada dhaqanka.

Halkan hoose ka aqriso qodobada ay soo saareen Isimada iyo magacyada isimada;

qaar ka mid ah isimada puntland oo soo saaray lix qodob oo lagu xalinayo khilaafka psf iyo maamulka puntland

qaar ka mid ah isimada puntland oo soo saaray lix qodob oo lagu xalinayo khilaafka psf iyo maamulka puntland