Afhayeenka Booliska oo faahfaahin ka bixiyay qarax ka dhacay Muqdisho

Afhayeenka Ciidamada Booliska Soomaaliyeed Sadiiq Aadan Cali Duudishe ayaa faahfaahin ka bixiyay qarax caawa ka dhacay magaalada Muqdisho.

Sadiiq Aadan Cali afhayeenka ciidamada Booliska ayaa sheegay in ciidanka booliska Soomaaliya ay fashiliyeen qarax miino oo Al-shabaab oo lagu tuuray waaxda Kacaan ee degmada Hodan.

“Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, ayaa fashiliyay qarax miino oo ay argagixisadu ku tuureen degmada Hodon, gaar ahaan waaxda Kacaan dhabarka dambe ee Kaalinka Shidaalka ee HAAS, mana jiro wax qasaaraha oo ka dhashay qaraxan.“ayuu yiri afhayeenka.

Qaraxyada miinooyinka ka dhasha ayaa ah kuwo ku sii kordhaya caasimada dalka iyadoo qaraxyadana ay ka dhashaan qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.