Agaasimaha dalxiiska gobolka Banaadir oo ka qeyb galay xuska maalinta dalxiiska Adduunka.

Sept. 27 (Jowhar.com)-Xili maanta ay tahay maalinta Dalxiiska adduunka ee 27-ka September, Agaasimaha Waaxda Dalxiiska Gobolka Banaadir Faysal Cabdulaahi Maxamuud iyo dhalinyaro badan oo ka socday 17ka degmo iyo saddexda deegaan ee gobolka Banaadir ayaa u dalxiis tagay degmada Kaxda, halkaas oo loogu sameeyay soo dhaweyn balaaran.

Agaasimaha dalxiiska Gobolka Banaadir oo ka duulaya muhiimada iyo mudnaanta ay dowladda siineyso arrimaha dalxiiska, maadaama uu ka qeyb qaadanayo Adeeg dhinaca dhaqaalaha iyo wax soo saarka dalka ayaa ku amaanay gudoomiyaha degmada Kaxda mas’uuliyadda uu iska saaray in kaalintii dalxiiska aysan meesha ka bixin.

Waxa uu sheegay iney u diyaarsan yihiin qorshaha dhiira gelinta iyo maalgelinta goobaha dalxiiska oo dib u habeyn lagu sameyn doono hadey ahaan laheyd Bad iyo Bariba, isagoo maamulada degmooyinka ugu baaqay iney ku tartamaan arrimaha Dalxiiska oo kaalin mug leh ka qaadan kara ka shaqeynta amniga, is dhexgalka bulshada iyo sameynta shaqo abuur cusub oo loo sameeyo dhalinyarada.

Guddoomiyaha Degmada Kaxda Maxamed Yare ayaa sheegay inay u diyaarsan yihiin soo dhaweynta Dhalinyarada Dalxiiska u imaaneyso Degmadiisa.

Muddooyinkii dambe waxaa aad u soo kacay Bulshada Gobolka Banaadir oo ahmiyad gaar ah siiyay inay ku dalxiisaan Degmooyinka kala duwan ee Gobolka Banaadir, taas oo qayb ka ah isdhexgalka Bulshada.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More