Agabkii Ay Bililiqeysteen Ciidamada Ingriiska oo 153 Sano Kadib Dib Loogu Soo Celiyay Itoobiya.

705

Agabkii Ay Bililiqeysteen Ciidamada Ingriiska oo 153 Sano ka hor ayaa  Dib Loogu Soo Celiyay Dadka reer Itoobiya.

Itoobiya ayaa bogaadisay soo celinta agabkii qaaliga ahaa ee ay askarta Ingiriisku bililiqeysteen in ka badan 150 sano ka hor, ka dib olole dheer oo ay ku doonayeen in dib loogu soo celiyo.

Waxaa muddo dheer Afrika lagu soo rogay amaro ah in dalalka reer galbeedka ay u soo celiyaan wixii ay gumeystaha Reer galbeebka ka dhaceen Qarada Africa.

Horaantii bishan, gobolka Galbeedka Afrika ee Benin waxa uu helay ilaa 30 hanti boqortooyo oo la qatay intii uu socday xukunka Gumeeysiga Faransiiska in ka badan 130 sano ka hor oo aay Qarada Africa ku hayeen dhac boob iyo Bililiqo.