Akhriso: Faalo uu Xasan Sheekh ka qoray is dhex galka Geeska Afrika

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa faallo ku qoray Majaladda Foreign Affairs oo falanqeysa siyaasadda arrimaha dibadda ee Mareykanka.

Faallada uu Xasan Sheekh ku qorqy Majaladda Foreign Affairs ayaa cinwaankeedu ahaa:

Soomaaliya waa inay cagaheeda ku istaagto ka hor inta aysan is barbar taagin dalalka kale ee Geeska Afrika

Bishii Maarso 1977, Itoobiya iyo Soomaaliya waxay qarka u fuuleen dagaal la xiriiray gobolka Ogaadeen, oo ay labada dowladoodba sheeganayeen. Madaxweynihii kacaanka ee Cuba, Fidel Castro wuxuu safarro degdeg ah oo quus ah ku tagay Geeska Afrika isaga oo xambaarsanaa qorshe dhiifoon oo ku aaddan sidii nabadda loo ilaalin lahaa: isaga oo taageero ka helaya Midowgii Soofiyeetka, wuxuu soo jeediyey inuu mideeyo Itoobiya, Soomaaliya, Koonfurta Yemen iyo Dhulkii uu gumaysanayay Faransiiska ee Canfarta iyo Ciisaha ee markaas xorriyadda qaadanayay (hadda ah Jabuuti) si uu uga dhigo Dowlad wayn oo haysata shuuciyadda Marxist-Leninist taas oo quuddarraynaysay inay la wareegto xukunka Badda Cas iyo dhammaan marinnada muhiimka u ah Suways Kanaal. Isku darista qorshihiisa oo kali ah ma ahayn inuu xalliyo qalaalqalka soo jiitamayay ee u dhaxeeya Itoobiya iyo Soomaaliya, balse wuxuu kaloo ku qotomay inuu manaafacsado fursadda dhaqaale ee gobolka. Sidoo kale ahmiyad wayn ayuu u lahaa Kremlin-ka, oo qorshuhu wuxuu xoojin lahaa guulihii shuuciyadda ee dhowayd wuxuuna ka dhigi lahaa Soofiyeetka awoodda dibadeed ee ku xooggan Geeska Afrika.

Dibloomaasiyaddii Castro ee uu ugu kala gooshayay labada dhinac waa ay ku guuldarraysatay inay taageero ka hesho madaxdii gobolka, gaar ahaan hoggaamiyihii milateriga Soomaaliya, Siyaad Barre, isla markiina Soomaaliya iyo Itoobiya waxaa dhex maray hardan shar badan. Sidaas oo ay tahay, fikraddii ku salaysnayd Isku-tagga Geeska Afrika waligeed ma aanay dhiman.

In ka badan 40 sano oo laga joogo Dagaalkii Ogaadeeniya, qorshaha midaynta siyaasadda iyo dhaqaalaha Geeska Afrika wali waa mid nool – gaar ahaan dhanka Itoobiya, oo ah waddan aan xeeb lahayn kuna tiirsan dalalka deriska la ah si ay badda wax u soo maraan. Ururrada ka jira gobolka sida IGAD ayaa sidoo kale isku dayay inay kobciyaan isku-tagga sida Mareykanka oo kale, oo u aragta xiriir ganacsi oo qotodheer leh iyo iskaashi siyaasadeed inuu yahay gaashaan ka dhan ah xasillooni darrada iyo xagjirnimada.

Tan iyo markii uu xukunka majaraha u qabtay sanadkii 2018, Raysul Wasaaraha Itoobiya, Ahmed Abiy wuxuu dardargeliyey mashruuca midaynta gobolka. Wuxuu iskaashi iyo xiriir dhow la samaystay Soomaaliya iyo cadowgii ugu waynaa ee hore ee Itoobiya, Eritrea, isaga oo xitaa heshiis saddex geesood ah la saxiixday hoggaamiyayaasha labada dal, heshiiskaas oo dhidibbada u taagay nidaam iskaashi oo ku aaddan siyaasadda, dhaqaalaha iyo amniga. Waxaaba ka sii walaac badan, Raysul Wasaare Abiy wuxuu si furan u soo jeediyey in midaynta dhaqaale uu billow u yahay isu-tag siyaasdeed iyadoo ugu danbayntiina u xuubsiibanaysa hal dowlad oo midaysan iyo milateri oo ka dhasha Geeska Afrika.

Dadaallada lagu doonayo in lagu yagleelo isu-tag siyaasaddeed balse waxyeellada u gaysanaya qarannimada waxaa xaqiiqo ah inay sababayaan colaad kuna idlaanayaan fashil. Balse xataa isu-tag dhaqaale oo xilliyada nabadda iyo xasilloonida u faa’iidaynaya dhammaan dhinacyada oo dhan waa uu fashilmi karaa iyadoo la eegayo duruufaha hadda taagan.

Aragti ahaan, dadka iyo badeecooyinka oo si xor u kala goosha Itoobiya iyo Soomaaliya waxay yaraynaysaa xiisadda taariikhiga ah, xoojinaysaa xiriirka dhaqaale isla markaasna kobcinaysaa kobaca la wadaago iyo barwaaqada. Balse marka ficil ahaan loo dabbakho, oggolaanshaha isu socodkan oo kale wuxuu sii xoojin karaa tuhunka labada dhinac ah iyo amni xumada daba dheeraatay ee curyaamisay horumarka dimiqraadiyadeed ee Soomaaliya.

Si fudud haddii loo dhigo, Itoobiya iyo Soomaaliya toona diyaar uma aha inay yeeshaan isu-tag qoto-dheer. Itoobiya waxay lugaha la sii galaysaa xasillooni darro waxayna ku mashquulsan tahay colaado isir oo gudaha ah iyo khilaafaad soohdimeed oo kala dhaxeeya Soomaaliya iyo Eritrea.

Dhinaca Soomaaliya, siyaasad ahaan waa mid jajaban, tabardaran isla markaasna ay xagjiriinta khatar wayn ku hayaan, si ay ugu faa’iidaysato isu-tag goboleed hadda la hirgeliyo. Sidoo kale, in madaxda Soomaaliyeed ee haatan xilka haya ay soo dhoweeyeen qorshaha Itoobiya ee isu-tagga iyadoo aan laga qaybgalin bulshada rayidka iyo dadweynaha, in ajandahaas la hirgeliyo wuxuu sii xumayn karaa qaybsanaanta halkii uu dhayi lahaa boogahaasi.

Ka hor intii ay raadin lahayd isku tiirsanaan ka ballaaran tan hadda jirto oo ay la yeelato dalalka deriska ah, waa in dowladda Soomaaliya ay diiradda saartaa sidii ay u wiiqi lahayd kooxda xagjirka ah ee Al-Shabaab, u xoojin lahayd hay’adaha dowladeed ee taagta daran, iyo sidii ay u horumarin lahayd guulaha dimuqraadiyadeed ee la sameeyey 20-kii sano ee la soo dhaafay.

Horumar la beerdarreeyey
Muddo ku dhow 30 sanadood ayay Soomaaliya la il darnayd xasillooni darro. Dagaalkeeda sokeeye wuxuu billowday sanadkii 1991, markii maamulkii kaligii-taliska ahaa ee Siyaad Barre uu burburay dalkana uu cagaha la galay dagaal sokeeye taas oo ugu danbayntii abuurtay dhul baaxad leh oo aanay dowladi ka talin.

Dhulkani ayaa noqday meel ay ku tarmaan oo ay ka soo unkamaan xagjiriinta, kuwaas oo badankood ku soo tababartay dibadda sida Afghanistan iyo dalal kale, iyagoo ugu danbayntii aasaasay kooxda Al-Shabaab, oo ah faraca Al-Qaacidda ee ugu halista badan ee ka hawlgasha qaaradda Afrika.
Markii la ii dhaariyay xilka madaxweynenimo ee Soomaaliya bishii Sebteembar 2020, kooxda Al-Shabaab waxay ka talinaysay qaybo ballaaran oo ka mid ah magaalooyinka waa-wayn ee Soomaaliya. Iyadoo kaashanaysa dowladda Mareykanka, dowladdaydu waxay awood u yeelatay inay qalabayso isla markaasna ay tababarto ciidanka amniga ee Soomaaliya si ay si ka firfircoon sidii hore uga qaybgalaan dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, iyagoo ka dhinac dagaalamaya ciidanka nabad ilaalinta ee Midowga Afrika.
Waxaan si wadajir ah u samaynay guuto ciidanka sida gaarka ah u tababaran kuwaas oo u hawlgala sida Ciidanka gaarka ah u tababaran ee Mareykanka ee Rangers-ka loo yaqaanno Iyadoo loo bixiyay Danab, Guutada Danab waxay cayrasho ku billowday Al-Shabaab iyadoo ugu tagtay goobaha ay kooxdu ka taliso, waxay sidoo kale guutadu carqaladaysay mu’aamarooyin argagaxiso isla markaasna fagaarayaasha dagaalka ka saartay xubno muhiim ah oo ka tirsanaa argagixisada.
Balse cadaadiskii milateri waa uu ka yaraaday Al-Shabaab sanooyinkii ugu danbeeyey. Maamulka Madaxweyne Donald Trump wuxuu xoojiyay duqaymaha cirka ee Soomaaliya, halka hawlwadeenno badan oo milateri oo Mareykan ah ay haatan ku sugan yihiin Soomaaliya marka loo eego dalalka kale ee Afrikaanka marka laga soo reebo Jabuuti iyo Niger.

Toddobaadyadii ugu danbeeyey ee maamulkiisa, si kastaba ha ahaatee, Madaxweyne Trump ayaa la soo werinayaa inuu ka baaraandegayo inuu la baxo dhammaan ciidankan oo dhan.
Waxaa intaas sii dheer in dowladda Soomaaliya iyo saaxiibbadeeda milateriga ee Midowga Afrika ay gaabiyeen xawaaraha hawlgalladooda ka dhanka ah Al-Shabaab iyadoo xataa deegaanno muhiim ah ay ka baxday gacantooda.
Isla xilligaas, kooxda Al-Shabaab waxay boqollaal weerarro ah ka fulisay Soomaaliya iyo dalalka deriska ah. Bishii Jannaayo 2020, tusaale ahaan, kooxdu waxay weerartay saldhigga ciidanka Mareykanka ee Manda Bay Airfield ee ku yaalla magaalo-xeebeedda Lamu ee Kenya, iyadoo dishay dhowr askar Kiinyaan iyo Mareykank isugu jira.

Al-Shabaab waxay wali sii waddaa inay maamul barbar socda kan dowladda ku leedahay qaybo ka tirsan magaalada Muqdisho ee caasimadda ah iyo koonfurta Soomaaliya, oo ay ku jiraan deegaannada ku teedsan xudduudaha Kenya iyo Itoobiya. Ka hor inta aysan dowladda Soomaaliya billaabin inay ka fekerto inay qoto dheerayso xiriirka ay la leedahay dalalka deriska ah isla markaasna ay oggolaato isu socod xor oo ka hirgela soohdimaheeda, waxay u baahan tahay inay adkayso xukunka soohdimahan iyo gobollada kale ee haatan ku jira gacanta kooxda Al-Shabaab. Si hiigsigaas loo gaaro, dowladda Soomaaliya iyo Midowga Afrika waxay u baahan yihiin inay dib u billaabaan hawlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, oo aan kaliya lagu soo koobin xorraynta deegaannada Al-Shabaab ka taliso, balse ka shaqeyso sidii deegaannadaasi la xorreeyey loo sii haysan lahaa si ay dowladda ugu hanato quluubta dadka.
Sidoo kale waa in dowladnimada heer federaal iyo gobolba uu xoogaystaa ka hor inta qorshaha isu-tagga gobolka uusan sii socon. Muddadii aan madaxweynaha ahaa, Soomaaliya waxay billowday geeddisocod federaalayn oo adag annagoo ku guulaysannay inaan yagleelno afar dowlad goboleed. Horumar baaxad wayn leh ayaa billowgii laga sameeyey dowlad dhisidda iyo dib u heshiisiinta qabaa’ilka iyo joojinta colaadaha gobolka. Balse isla markii uu awoodda la wareegay sanadkii 2017, maamulka hadda jira ee uu madaxweynaha ka yahay Maxamed Cabdullaahi Maxamed wuxuu kala diray hoggaanka maamul goboleedyadii curdunka ahaa wuxuna boosaskooda ku baddalay hoggaan xulufo asaga la ah, isagoo wiiqay geeddisocodka federaalaynta isla markaasna abuuray colaad lala galay maamul goboleedyada.

Maadaama uu meesha ka baxay xiriir xooggan oo lala yeesho dowlad goboleedyada, dowladda federaalka waxay had iyo goor ku tiirsanayd ciidamo Itoobiyaan oo aan hoos tagin hoggaanka Midowga Afrika si ay u horumariso danaheeda siyaasadeed ee ay gobollada ka leedahay. Bishii Diseembar 2018, tusaale ahaan, waxay amar ku siisay ciidanka Itoobiya inay soo xiraan afhayeenkii hore ee Al-Shabaab oo u tartamayay doorashada dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ee markaas la sameeyey. Xariga Mukhtaar Roobow wuxuu sabbaay mudaharaadyo maalmo socday oo ka dhacay Koonfur Galbeed, iyadoo markii danbe ciidanka amniga ee federaalka ay dibadbaxayaal ku dileen. Xadgudubyada noocan oo kale waxay kaliya sii qoto dheereeyaan tuhunka dadka Soomaaliyeed ay ka qabaan Itoobiya, taas oo iskaashi lala yeesho mustaqbalka ka dhigaysa mid adag.

Horumarinta dowladnimada waxaa sii dheer in Soomaaliya ay u baahan tahay inay xoojiso hay’adaheeda dimuqraaddiyadda ka hor inta aysan raadin xiriiir dhow la yeelashada dariskeeda. Hal sabab oo jamashada dowladda hadda jirta u qabto dadaallada midaynta ay u noqotay mid dood badan dhalisay ayaa ah in dadka Soomaaliyeed ee caadiga ah aysan ku lahayn inay wax badan ka yiraahdaan qaddiyadda. Halka dowladihii hore ay had iyo goor si dhow ugala tashan jireen baarlamaanka iyo maamul goboleedyada arrimaha qaran ee muhiimka ah, dowladda hadda jirta waa ay daba rogtay dhaqankaas siyaasadeed iyadoo go’aannada si kaligeed ah u gaarta. Si ay u billowdo dayactirka iyo ugu danbayntiinna xoojinta hay’adaheeda dimuqraadiyadeed, dowladda federaalka waxay u baahan tahay inay soo celiso caadadii wada-tashiga.

AAYO ISKU XIRAN IYO MUSTAQBAL LA WADAAGO

Mushkiladaha Soomaaliya ka haysta dhinacyada amniga iyo dowladnimada ma saamaxayaan isu-tag goboleed. Balse haddii horumar laga sameeyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, dowladnimada iyo dimquraaddiyadda, dalka waxaa laga yaabaa inuu ka faa’iidaysto xiriirrada ganacsiga iyo dhaqaalaha ee dalalka dariska ah lala yeelanayo mustaqbalka.

Saaxiibbada caalamiga ah ee Soomaaliya, gaar ahaan kuwa aan ahayn dalalka deriska ah, waxay ka caawin karaa Soomaaliya inay jihadaas u dhaqaaqdo.
Muddadii aan hayay xilka madaxtinnimo, Dowladda Mareykanka kaliya kama taageerin dowladda Soomaaliya dhinaca milateriga balse waxay ka taakuulaysay dhinacyada dowlad-dhisidda, dib-u-heshiisiinta iyo dowladnimada dimquraaddiyada ku dhisan. Nasiib darro se, saddexdii sano iyo barkii ee la soo dhaafay, xiriirka labada dowladood wuxuu ka wareegay iskaashi ku salaysan dimuqraadiyayn iyo dowlad-dhisid isagoo u wareegay mid hal qorshe ku wajahan – iskaashiga amniga oo kaliya.

Sidaas awgeed, Dowladda Mareykanka waxay iska dhega-tirtay xadgudubyo waa-wayn oo ka dhan ah xuquuqda aadanaha iyo dimuqraaddiyadda oo laga gaystay Muqdisho – oo ay ka mid tahay waxyeello la gaarsiiyay madaxda mucaaradka iyo weerar fool xun oo ka dhan ah saxaafadda madaxa-bannaan ee Soomaaliya.

Xadgudubyadan waxay sababeen inuu burburo xiriirkii u dhaxeeyey dowladda iyo qaar ka tirsan maamul goboleedyada, tallaabadaas oo cuuryaamisay iskaashigii amniga una saamaxday kooxda Al-Shabaab inay dib isu soo abaabusho ayna xataa ballaariso meelaha ay gaarto.
Dowladda Mareykanka waa inay si fiican u fekertaa ka hor intaysan ciidankeeda kala bixin Soomaaliya, arrintaas oo haddii ay dhacdo kaliya xoojin doonto kooxda argagixisada.

Sidoo kale waa inay dib usoo noolaysaa qaybaha aan amniga ahayn balse muhiimka ah ee ka mid ah xiriirka ay la leedahay Soomaaliya, kuwaas oo la’aantood dimuqraaddiyadda dalka ay sii ahaanayso mid sii daciifto.

Aayaha Soomaaliya iyo Mareykanka waa kuwo isku tolan, sida laga dheehdayba jaaliyadda sii bullaalayso ee Soomaalida ee ku dhaqan Mareykanka.

Sidaas awgeed, Washington maslaxo gaar ahaaneed ayay ku leedahay inay taageerto xasilloonida muddada fog ee Soomaaliya iyo tan Geeska Afrikaba. Xasilloonidaasi lama gaari karo iyadoo aan la hayn amni, dimuqraaddiyad iyo ku dhaqanka qaanuunka – oo xaqiiqdii ah shuruudaha lagama maarmaanka u ah in mashruuca midaynta gobolka uuu ka gudbo riyo uuna noqdo mid dhab ah.

Qormadaan oo asalkeedu ahaa Af Ingiriis waxaa daabacay Wargeyska Foreign Affairs.