Akhriso: Illaa 12 safiir oo Golaha Wasiirada ansixin lahaayeen oo la celiyay iyo dood ka dhalatay awood qeybsiga

Liiska illaa 12 Safiir oo maanta loo soo gudbiyay Golaha Wasiirada, si loo meel mariyo ayaa dib loo celiyay, kaddib markii qaar ka mid ah Wasiirada ay ka keeneen dood ku saabsan habka awood qeybsiga, maadaama xubnaha la soo gudbiyay ay hal beel u badnaayeen.

Guuxa ugu weyn ayaa waxaa uu ka yimid Wasiirada ka soo jeeda Koofur Galbeed oo saluugay habka awood qeybsiga iyo hal beel in loo sadbiyay.

Intaas kaddib Ra’iisul Wasaaraha ayaa dib u celiyay magacaabisda Safiirada gaarayay 12 xubnood, markii uu yimid doodda ay ka keeneen Wasiirada ee ah in aanay waafaqsaneyn magacaabida Safiirada hannaanka awood qeybsiga.

Magacaabista Danjirayaasha cusub ayaa waxaa soo gudbiyay Wasiirka Arrimaha Dibadda Maxamed C/risaaq, waxaana xubnaha uu soo jeediyay ka mid ahaa ee Safiirada loo magacaabayo Wasiiru dowlihii hore Wasaaradda Arrimaha dibadda C/qaadir Axmed Kheyr, Xeer Ilaaliyihii hore ee Qaranka Axmed Cali Daahir, Wasiirkii hore Cadaaladda Ilka Jiir iyo wiil uu dhalay Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Abshir Faarax.