Akhriso: Magacyada Guddoonka ay doorteen Guddiga Badbaadada Doorashada ee Musharaxiinta

Guddiga Badbaadada doorashada ee ay dhowaan magacaabeen Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha ayaa maanta shirkooda u horreeyay yeeshay, iyagoo iska dhex doortay Guddoon.

Xubnaha Guddiga oo ka kooban ayaa doortay Guddoomiye, Kuxigeen, Xogheyn iyo Afhayeen, waxaana Guddiga sheegay inay u howlgeli doonaan badbaadada doorashada, loona heli lahaa doorasho la isla ogol yahay.

Guddoomiyaha Guddiga Badbaadada ayaa loo doortay Yuusuf Xasan Mursal oo ahaan jiray wariye ka shaqeyn jiray Idaacada BBC.

Qaar ka mid ah Musharaxiinta Madaxweynaha ayaa u hambalyeeyay Guddoonka ay iska doorteen Guddiga, waxaana Musharaxiinta hambalyeeyay ka mid ah C/kariin Xuseen Guuleed iyo C/raxmaan C/shakuur Warsame.

Haddaba magacyada Guddoonka waxay kala yihiin:-

1) Guddoomiyaha Guddiga Yuusuf Xasan Mursal.
2) Gudoomiye Kuxigeen C/llaahi Maxamed Aadan (Farey)
3) Xoghaye C/fitaax Maxamed Dhicis.
4) Afhayeen C/llaahi Cabdi Maxamed (C/llaahi Taleefan)