Akhriso Magacyada: Ra’iisul Wasaaraha oo magacaabay Guddiga Doorashada Gobolada Waqooyi

Rooble

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa caawa magacaabay Guddiga maamulaya doorashada xubnaha labada aqal ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee ka soo jeeda Gobolada Waqooyi/Somaliland.

Guddigan ayaa ka kooban 11 xubnood oo ka soo jeeda Gobolada Waqooyi, waxaana u badan xubno dhalinyaro ah oo qaarkood ka shaqeeya Xafiisyada Wasaaradaha.

Wararka ayaa sheegaya in xubnaha ku jira ay keensadeen Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka iyo Wasiirada qaar, waxaana dood ka timid Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi oo ahaa in xubnaha la magacaabay aysan aheyn kuwii ay gudbiyeen.

Halkan hoose ka akhriso magacyada:-