Al-Shabaab oo weeraray saldhig ciidamada AMISOM ee Jubadda Hoose

Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday Saldhig Ciidamada AMISOM ku leeyihiin deegaanka Hoosingow ee Gobolka Jubadda Hoose, weerarkan ayaa ahaa madaafiic hoobiyeyaal ah.

Saldhigga la weeraray ayaa waxaa ku sugnaa Ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM, waxaana ciidamada ku jawaabeen madaafiic culus.

Al-Shabaab ayaa sheegtay in weerarkaas ay khasaare ku gaarsiiyeen Ciidamada Kenya ee ku sugnaa saldhigga deegaanka Hoosingow.

Todobaadkii hore ayey aheyd markii qarax iyo weerar toos ah oo ay Al-Shabaab ku qaadeen ciidamo Kenyaan ah oo marayey duleedka Dhoobley ee gobolka Jubbada Hoose, waxaana looga dilay illaa todoba askari, sida ay werisay warbaahinta gudaha Kenya.