Al-shabaab oo weeraray xalay magaalada Jowhar iyo Balcad

shab

Wararka ka imanaya magaalooyinka Jowhar iyo Balcad ee gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in xalay weeraro ay ka geysteen dagaalamayaasha Alshabaab fariisimo leeyihiin ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM.

Sida ay sheegayaan dad ku sugan magaalada Jowhar xalay saqdii dhexe ayaa lagu kacay rasaas iyo madaafiic dhacaysa iyadoo ay wararku sheegayaan in bam lagu weeraray saldhig ay ciidamada AMISOM ku lahaayeen dhinaca bari ee magaalada.

Madaafiic xoogan ayaa la sheegay inay rideen ciidamada AMISOM hase yeeshee lama sheegin waxyeelo ka dhalatay weerarkan.

Ciidamada Booliska ayaa la sheegay in ay saaka ka wadaan baaritaan xaafada Horseed ee magaalada Jowhar.

Dhinaca kale hal askari ayaa ku dhintey kadib markii saaka waaberigii ay dagaalamayaal ka tirsan Alshabaab ay weerareen bar koontarool oo ku taal dhinaca Waqooyi ee magaalada Balcad.

Dagaalamayaasha Alshabaab ayaa la sheegay inay gudaha u soo galeen deegaano ka tirsan gobolka Sh/dhexe oo ay hore gacanta ku uga hayeen ciidamada dowlada Soomaaliya.