Al-Shabaab oo weeraro qaraxyo ku bilowday ku qaaday saldhigyo ciidan ku yaalla Sh/Hoose

Wararka ka imaanaya Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in weeraro ku bilowday qaraxyo ay saaka aroortii Al-Shabaab ku qaadeen Saldhigyo ciidan yaalla deegaanka Bariire iyo Awdheegle.

Sida wararku sheegayaan qaraxyada oo ahaa illaa labo gaari ayaa Al-Shabaab saaka subixii hore ku qaadeen saldhig Ciidanka xoogga dalka ku leeyihii  deegaanka Bariire.

Sidoo kale weerar kale ayay ku qaadeen deegaanka Awdheegle oo isugu jiray qaraxyo iyo dagaal toos ah.

Dagaal saacado badan qaatay ayaa la sheegay inuu ka dhacay deegaanadaas oo sanad ka hor ciidanka dowladda ay la wareegeen.

Illaa iyo hadda lama oga khasaaraha rasmiga ah ee labada dhinac kala gaaray, balse waxaa jira sheegashooyin labada dhinac ah oo tilmaamaya inay dileen askar iyo dagaalamayaal Al-Shabaab.

Al-Shabaab ayaa sheegatay in askar fara badan ku dishay dagaalka, isla markaana gudaha u galeen xeryaha ciidan.

wixii warar ee ku soo kordha kala soco wararkeena dambe