Al-Shabaab oo xalay weeraray baraha Koontarool ee Afgooye

Wararka ka imaanaya degmada Afgooye ayaa sheegaya in dagaal u dhaxeeyay Ciidamada xoogga dalka iyo dagaalamayaasha Al-Shabaab uu xalay ka dhacay degmadaas.

Dagaalka ayaa yimid kaddib markii Al-Shabaab ay weerareen saddex bar ciidan oo ay ku sugnaayeen Ciidamada Milateriga, waxaana baraha ciidan ee la weeraray ay kala ahaayeen Buundada weyn, Koontaroolka Mukayga iyo Haanta Dheer.

Wararka ayaa sheegaya in dagaal socday saacad uu labada dhinac ku dhex maray, kaasoo ay isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan.

Lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalka, iyadoo xilli habeen ay aheyd oo ay adag tahay in la ogaado faah faahin rasmi ah.

Al-Shabaab ayaa markii labaad weerar ku soo qaaday degmada Afgooye oo Muqdisho u jirta 30KM, waxaana degmada Afgooye in muddo ah ka dhicin wax weerar ah, tan iyo markii ciidamada dowladda ay la wareegeen tuulooyin hoostaga Afgooye.