Al-Sisi oo ku baaqay inaan la faragelin arrimaha dalka Libya

Madaxweynaha dalka Masar Cabdifitaax Al-Siisi ayaa ku baaqay in aan la farogelin masiirka Liibya isagoo ka hadlay xaaladda dalka ay deriska yihiin ee LIibya.

Al-Siisi waxa waddamada Caalamka waxa uu ka dalbaday wadamada caalamka in aanay la faragelin balse lagu garabsiiyo ku gacansiinta ballamada ay galaan siyaasiyiinta iyo fududeynta goobaha ay isku arkayaan haddii ay u baahdaan dalka dibaddiisa.

“Soo celinta Madax-bannaanida Liibiya waxa ay ku xiran tahay in faragelinta shisheeye laga daayo lagana saaro kooxaha Calooshood u shaqeystayaasha ah ee danaha gaarka ah u jooga, Howlaha ay hayaan Hay’adaha Liibiya waa qorshe lagu gaari karo doorashada December 2021 lagu wado in ay dalkaas ka dhacdo” ayuu yiri Madaxweyne Al-Siisii.

Warkan ayaa waxa uu Madaxweynaha Masar ka sheegay kulan uu la qaatay Wasiirka Arrimaha Dibadda Liibiya Najla Mohammed El Mangoush oo garab istaag ka raadisay Jamhuuriyadda Carabta ee Masar.