Alshabaab oo baahiyay sawirada iyo magacyada raggii weeraray Dusit D2

Al-Shabaab ayaa markii ugu horeysay soo bandhigay magacyada iyo sawirada kooxdii fulisay weerarkii lagu qaaday Hotelka DusitD2 ee magaalada Nairobi sanadkii 2019.

Muuqaal soconaya 7 daqiiqo ayaa waxaa la soo muuqday shan xubnood oo ahaa kuwii weerarka fuliyay, raggan ayaa sheegay in weerarkooda uu jawaab u yahay tallaabadii Donald Trump ugu aqoonsaday magaalada Qudus inay tahay caasimadda Yuhuuda.

Waxaa la arkayay raggan oo gaari saaran una socda goobta bartilmaameedkooda ahaa, sidoo kale waxaa muuqaalka laga dhex arkayay, iyagoo daawanaya filimka Usama Bin Laden.

Shanta xubnood ee weerarka fuliyay ayaa saddex ka mid ay yihiin Kenyan, halka labo kale ay yihiin Soomaali, waxaana muuqaalka lagu soo bandhigay qabaa’iladooda.

Ninka weerarka hoggaaminayay ayaa ah Kenyan ka soo jeeda qowmiyadda Kikuuya.

Magacyada ragga weerarka fuliyay ayaa waxay kala yihiin:-

1- Cusmaan Axmed Xasan

2- Cali Saalim

3- Cabdi Qani Carab Yuusuf

4- Maxamed Aadam Nuur

5- Maahir Khaalid