Alshabaab oo goob fagaare ah ku toogatay nin lagu eedeeyay inuu ahaa sixiroole

Wararka ka imanaya gobolka Gedo ayaa sheegaya in Al-Shabaab ay Fagaare kuyaal deegaanka Ceelcadde ee gobolka Gedo shalay xukun dil ah ku fuliyeen nin lagu soo eedeeyay inuu ahaa sixiroole.

Ninkan la toogtay oo magaciisa lagu sheegay Maxamed Sidiiq Xuseen waxaana qaadiga maxkamada gobolka Gedo ee ururka Alshabaab uu ku tilmaamay Saaxir dhibaato ku hayay bulshada.

Qaadiga Maxkamadda Islaamiga ah ayaa goobtii uu dilku ka dhacayay ka akhriyay xukunka Saaxirka isagoo xusay inuu qirtey dambigii lagu soo oogay.

Ururka Al-Shabaab ayaa hore xukuno dil ah ugu fulisay deegaano ka mid ah degmooyinka ay maamulaan dad lagu eedeeyay inay ahaayeen saaxiriin.