Alshabaab oo gubay deegaanka Yaaq-beri weyne ee gobolka Sh/hoose

shab

Wararka ka imanaya gobolka Sh/hoose ayaa sheegaya in dagaalamayaala ka tirsan Alshabaab ay gubeen guryo ku yiil deegaanka Yaaq-beri weyne ee gobolka shabeellada Hoose.

Guryo faro badan oo ku yiil deegaankaa ayaa bas belay iyadoo guud ahaan dadkii degenaa deegaankaas ay ka barakaceen,hase yeeshee lama sheegin waxyeelo ka soo gaartay dadkii degenaa guryahaas.

Dagaalamayaasha Alshabaab ayaa ku amray dadka ku nool deegaankaas oo ka tirsan degmada Wanlaweyn inay isaga guuraan.

Dadka ku nool deegaankaas ayaa waxa ay taageero u fidiyeen maleeshiyo beeleed abaabulan oo dagaal kala hortimid ururka Alshabaab.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay maamulka gobolka Sh/hoose iyo tan dowlada federalka oo ku saabsan deegaanka Yaaq-Bari Weyne oo ku taal wadada laamiga ah ee isku xirta magaalada Muqdisho iyo Baydhabo.