Alshabaab oo sheegatay in qarax ismiidaamin ah ay ku dishey askar Soomaali iyo Maraykan ah

shab

Ururka Alshabaab ayaa sheegtay in weerar ismiidaamin ah ay ku qaadeen saldhig ay ciidamada dowlada ku lahaayeen deegaanka Gendershe ee gobolka Sh/hoose.

Shabakadaha taageera Alshabaab ayaa waxa ay daabaceen in gaari walxaha qarxa lagasoo buuxiyay lagu weeraray ciidamo isugu jiray American iyo Alpha Group oo ku sugnaa deegaanka Gendershe.

“Weerarka waxaa ku dhintey 5 askari oo uu ku jiro askari American ah “Camaliyad istish-haadi ah oo mujaahidiintu la beegsadeen deegaanka Gandarshe iyo 4 katirsan maleeshiyaadka Alpha Group” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Alshabaab.

Al-Shabaab ayaa sidoo kale sheegay in weerarkan ay ku dhaawacmeen saddex askari Soomaali ah iyo askari American ah.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dowlada Soomaaliya iyo dowlada Maraykanka taasoo la xiriira weerarka uu Alshabaab ku sheegtay inuu ku qaaday deegaanka Gendershe.