Alshabaab oo sheegtay qarax ka dhacay maanta magaalada Muqdisho

89

Kooxda Alshabaab ayaa sheegatay qarax maanta ka dhacay magaalada Muqdisho kaasoo geystey khasaare isugu jirta dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxa oo loo adeegsaday gaari walxaha qarxa lagasoo buuxiyay ayay ururka Alshabaab waxa ay sheegteen in lala beegsaday kolonyo gaadiid ah oo ay la socdeen saraakiil ajaaniib ah.

“Mujaahidiinta ayaa camaliyad istish-haadi ah ku beegsaday kolonyo ay la socdeen saraakiil caddaan ah waxaana weerarka ku burburay mid kamida gaadiidkii ay caddaanku la socdeen kuwa kalane waxyeello ayaa gaartay” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al Shabaab oo ay baahisay Idaacadda Andalus.

Illaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay ciidamada amniga ee gobolka Banaadir.
Dagaalamayaasha Alshabaab ayaa toddobaadyadii la soo dhaafay waxa ay weeraro ka fuliyeen gobolo badan oo ka tirsan dalka Soomaaliya gaar ahaan Maamulada Hirshabelle,Galmudug iyo Jubbaland.