Alshabaab oo weerar ku qaaday degmada Mahaday

Wararka ka imanaya degmada Mahaday ee gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in dagaal xoog leh oo u dhexeeya ciidamada dowlada iyo dagaalamayaal ka tirsan Alshabaab uu ka socda magaalada Mahaday.

Sida ay sheegayaan dad ku sugan magaalada Mahaday iskahorimaad culus oo u dhexeeya labada dhinac ayaa ka qarxay xaafado ka mid ah magaalada.

Illaa hadda lama oga khasaaraha ka dhashay iskahorimaadkan hase yeeshee waxaa laga maqalayaa gudaha xaafadaha degmada Mahaday rasaas ka dhacaysa.

Saaka ayaa gaari uu la socday qof rayid ah ay miino kula qaraxday meel u dhow buundada degmada Mahaday iyadoo uu ku dhintey darawalkii gaariga.

Wixii ku soo kordha wararka degmada Mahaday kala soco jowhar.com.