Alshabaab oo weeraray saldhig ay ciidamada Milatariga ku lahaayeen Afgoye

Wararka ka imanaya degmda Afgooye ee gobolka Sh/hoose ayaa sheegaya in dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab ayaa xalay weerar xoogan ku qaadeen bar Kontorool oo ciidamada xooga ay ka leeyihiin degmada Afgooye ee gobolka Shabeelada hoose.

Iskahorimaad muddo kooban socday ayaa ka dhacay halkaas iyadoo xaafaha ay ka kooban tahay degmada Afgooyana laga maqlay rasaasta ay isweedaarsanayeen dagaalamayaasha Al-Shabaab iyo ciidamada xoogga oo ku sugan kontoroolka laga soo galo degmadaasi.

Illaa iyo hada lama oga khasaaraha rasmiga ee ka dhashay dagaalkii u dhexeeyay ciidamada Xoogga iyo Al-Shabaab.

Dhowr jeer oo hore ayaa sidan loo weeraray ciidamada militariga ee ku sugan degmada Afgooye ee Gobalka Shabeelada hoose.