Amaro adag oo lagu soo rogay dadka galaya ama ka baxaya magaalada Garowe

Dowlad goboleedka Puntland ayaa amaro adag ku soo rogay dadka u safraya amaba ka safraya xarunta maamulka dowlad goboleedka Puntland ee Garowe.

Sarkaal ka tirsan Ciidanka Booliiska Puntland oo saxaafadda kula hadlay Garoowe, ayaa sheegay in hadda kadib qof kasta oo ka safraya magaalada Garoowe laga doonayo in uu damiin keensado, si loogu fasaxo Safarkiisa.

“Qof walba oo soo galayo amaba ka baxaya magaalada waxaa laga doonayaa inuu keeno damiin isla markaana cadeeyo ujeedada uu uga baxayo amaba u soo galayo magaalada.”ayuu yiri Axmed Maxamuud Cali.

Tallaabadan uu qaaday maamulka Puntland ayuu ku tilmaamay sarkaalkan inay qeyb ka tahay sugida amniga magaalada oo dhan.