Amb. James Swan oo doorashada dalka kala hadlay wasiirada arrimaha dibadda Uganda iyo Burundi
Mar 13 (Jowhar.com) – Wakiilka Qaramada Midoobe u qaabilsan Soomaaliya Amb, James Swan ayaa kulan gaar ah oo looga hadlayay doorashada Soomaaliya iyo kala-guurka dhanka amniga la yeeshay Wasiirada arrimaha dibadda dalalka Uganda iyo Burundi oo qeyb ka ah howlgalka Amisom.
Saddexdan mas’uul oo isku arkay Madasha Diblomaasiyadda ee Magaalada Antalya ee dalka Turkiga ayaa isla soo qaaday muhiimadda ay leedahay in wadajir looga shaqeeyo sidii ciidamada Soomaalida loogu diyaarin lahaa iney la wareegaan amniga guud ee dalka dhamaadka sanadkan.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Uganda Jeneraal Odongo Jeje iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Burundi Danjire Albert Shingiro ayaa Swan ku amaanay kaalintooda taageerada Hawlgalka AMISOM oo dalkan ka socda tan iyo sanadkii 2017, iyagoo ku faanay in guulo waaweyn laga gaaray dagaalka kooxda Shabaab.
Amb, James Swan ayaa dhankiisa ka hadlay muhiimadda ay leedahay in saaxiibada gobolka iyo beesha caalamku ay Soomaaliya ka taageeraan dhammaystirka doorashada iyo kala guurka amniga, iyadoo heer gaba gaba ah ay mareyso doorashada xildhibaanada, iyadoo loo gudbi doono mida madaxtooyada.