Ammaanka Buundooyinka ku yaal Hirshabelle oo la adkeeyay

Nov. 05 (Jowhar.com) -TCiidamada ammaanka Hirshabelle ayaa adkeeyay ammaanka buundooyinka wabiga Shabelle ee ku yaal qaar ka mid ah degmooyinka gobolada Sh/dhexe iyo Hiiraan.

Adkeynta ammaanka buundooyinka ayaa timid kadib markii uu sii xoogeystey dagaalada ay kula jiraan ciidamada dowlada iyo kuwa deegaanka dagaalamayaasha Alshabaab ee ku sugan gobolada Sh/dhexe iyo Hiiraan.

Buundada kala qeybisa magaalada Jowhar ayaa labada dhinac waxaa la dhigey ciidamo Boolis ah kuwaasoo baaritaan ku sameynaya gaadiidka isaga kala gudbaya buundada,waxaana mararka qaar la joojiyaa inay ka gudubto buundada mooto bajaajta.

Sidoo kale buundada degmada Balcad ayaa labada dhinac laga dhigey ciidamo badan kuwaasoo rakaabka saaran gaadiidka baaritaan ku sameeya inta aysan ka gudbin buundada Balcad.

Buundooyinka kale ee ku yaal magaalooyinka Beledweyne,Jalalaqsi iyo Buuloburte ayaa sidoo kale aad loo adkeeyay ammaankooda.

Buundada weyn ee magaalada Buuloburte ayaa 19kii bishii aynu ka soo gudubnay waxaa qeybo ka mid ah lagu burburiyay qarax miino.

Qaraxan ayaa waxaa sheegtey Alshabaab iyadoo ciidamadana ay dileen qof looga shakiyay inuu ka dambeeyay qaraxa ka dhacay buundada Buunoburte.

Ciidamada dowlada iyo kuwa deegaanka ayaa kala wareegey dagaalamayaasha Alshabaab deegaano badan oo ku yaal gobolada Hiiraan iyo Sh/dhexe toddobaadyadii la soo dhaafay iyadoo weli ay socdaan howlgalada ay ciidamada dowlada iyo kuwa shacabka ay kaga saarayaan Alshabaab deegaanada ay weli ka joogaan Hirshabelle.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More