Askar Ethiopian ah oo ku dagaalantay Saldhigga deegaanka Halgan ee gobolka Hiiraan

Wararka ka imanaya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan kuwa ka socda dalka Ethiopia ee ku sugan saldhig ay ku leeyihiin deegaanka Halgan ee gobolka Hiiraan ay ku dhex dagaalameen gudaha saldhigaas.

Askari ka tirsan ciidamadaas oo la sheegay inuu ka soo jeedo qowmiyada TIgrey ayaa diley labo askari oo ka tirsan ciidamada ku sugan saldhigga isagiina markii dambe la diley.

Wararka u dambeeyey ee ka imanaya deegaanka Halgan ayaa sheegaya in weli ay ka jirto shaqaaqo saldhigga ciidamada Ethiopia ee deegaanka Halgan.

Khilaafka u dhexeeya ciidamada Ethiopia ee ku sugan gobolka Hiiraan ayaa salka ku haya weerrarka ay ciidamada Ethiopia ku qaadeen gobolka ay degaan qowmiyada Tigrey.