Askari qof shacab ah u dilay Jantaha sigaarka lagu shito oo dil lagu xukumay.

Nov. 23 (Jowhar.com) -Maxkamadda Ciidamada Qalabka sids ayaa maanta dil toogasho ku xukuntey Maxamed Cabduqaadir Sheekh Ibraahim oo ka tirsanaa Booliska Koonfur Galbeed qeybta ka howlgasha degmada Afgooye.

Askarigan dilka lagu xukumay ayaa loo heystaa kadib markii uu 25-kii April, 2022 uu toorey ku dilay marxuum Cabdifitaax Cabdullaahi Cali.

Arrinta la yaabka leh ayaa ah in Maxamed Cabduqaadir Sheekh Ibraahim uu u dilay marxuum C/fitaax muran ku aadan jantaha lagu shito sigaarka.

Goobta xukunkan uu ka dhacayay waxaa ku sugnaa ehelada labada qof, saraakiisha maxkamadda ciidamadda iyo dadweyne kale.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More