Awoodaha Madaxweynaha ee aan Dastuurka ku Qornayn!

Farmajo: “Somalia is ready for the forthcoming elections

Markii uu madaxweyne Farmaajo saxiixay qaraarkii golaha shacabku uu sanadkii hore soo saaray ee ku saabsanaa in gobolka Banaadir la siiyo 13 xildhibaan oo aqalka sare ah waxaa billowday ammaan iyo mahad celin loo jeediyay madaxweynaha. Sidoo kale bannaan bax lagu taageerayo saxiixaas ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Haddaba sidee madaxweynaha looga abaal hayn karaa sharci ama qaraar uu baarlamaan soo saaray?

Howsha sharci dajinta miyaan ahayn shaqo baarlamaan? Cidda qaraarkaan sammaysay ee madaxweynaha u dirtayse sow maahan golaha Shacabka? Maxaa loogu mahad celin waayay golaha shacabka halka loo mahad celinayo madaxweynaha oo sharci baarlamaan usoo codeeyay saxiixay?

Awoodaha aan dastuuriga ahayn!

Sharci kasta oo ay labada gole ee baarlamaanku ansixiyaan waxa uu u baahan yahay saxiixa madaxweynaha iyo in faafinta rasmiga ah lagu soo saaro. Sidoo kale saraakiisha sarsare ee dowladda marka ay soo jeediyaan xukuumadda ama Guddiga Adeegga Garsoorku waa la mid.

Dastuurka KMG ah ee dalku madaxweynaha kuma waajib yeelayo in uu muddo cayiman ku saxiixo sharciyadaas la soo jeediyay, taas oo ka dhigan ilaa maalinta uu xafiiska ka tagayo ayuu haysan karaa sharciga uu baarlamaanku soo gudbiyo maalintiisa koowaad ee xafiiska. In isaga oo aan saxiixin uu xilku ka dhammaadana waa dhici kartaa. Sidoo kale madaxweynuhu golaha shacabka kuma celin karo sharci ay soo ansixiyeen.

Dhinaca kale, haddii golaha wasiirradu -sida ku cad qodobka 99(h)- ay magacaabaan Safiirrada, Diblomaasiyiinta iyo saraakiisha kale ee sarsare, waxaa waajib ah in uu madaxweynuhu dikareeto ku soo saaro soo jeedinta golaha wasiirada sida ku cad qodobka 90-aad ee Dastuurka. Madaxweynahu in uu diidi karo magacaabiddaas kuma cadda dastuurka.

Sidoo kale muddo loo cayimay in uu ku magacaabo ma jirto, taas oo ka dhigan in uu daahin karo ilaa uu xafiiska ka tagayo. Soo jeedin kasta oo guddiga adeegga garsoorka ka timaadana sida magacaabidda guddoomiyayaasha maxkamadaha iyo garsoorayaashana waa la mid.

Arrimahaasi waxa ay awoodo badan oo aan toos ahayn siinayaan madaxweynaha, kuwaas oo aan ku jirin awoodaha maxaxweynaha ee ku cad qodobka 90-aad ee dastuurka KMG ah. Dhammaantood waxa ay ka mid yihiin gaabiska (gab) uu dastuurkeenna qabyada ahi leeyahay.

Waxaa muhiim in gaabisyadaan iyo kuwa la midka ah ee ay ku jirto muddada laga rabo in uu madaxweynuhu ku soo magacaabo Raysal-Wasaare lagu caddeeyo dastuurka marka lagu sammaynayo dib u eegista, ama la soo saaro sharciyo kale oo qeexaya arrintaan. Waa ayaan darro in faaruq sharciyadeed oo saammayn intaas la eg leh uu leeyahay dastuurka dalkeennu.

F.G. Dastuurkii 1960-kii waxa uu dhigayaa in madaxweynuhu uu muddo bil ah ku saxiixo sharci kasta oo ka yimaada baarlamaanka ama uu muddadaaa gudaheeda ku celiyo baarlamaanka sharciga isaga oo raacinaya qodobbada uu diiddan yahay ama uu rabo in wax laga beddelo. Baarlamaanku waa ay ka yeeli karaan taladaas madaxweynaha ama cod aqlabiyad ah (2/3) ayay ku soo celin karaan sharcigii oo sidiisa ah, markaasna madaxdweynuhu ma diidi karo oo waa in uu muddo bil gudaheed ah ku saxiixo.