Axmed Madoobe oo la kulmay Wasiirkii hore Qorsheynta Jubbaland

2,481

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Qorshaynta Jubaland ahna siyaasi caan ka ah deegaannada Soomaalida oo dhan ayaa maanta booqasho ugu tegay Madaxweyne Axmed Madoobe oo ay in muddo ahba xurguf siyaasadeed kala dhexaysay.

Aw Xirsi oo ay horraantii aad igu dhawaayeen Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa xilkii wasiirnimada iska casilay laba sano ka hor si ba’anna uga hor yimid doorashadii dib loogu doortay Madaxweyne Axmed Madoobe bishii Agoosto 2019.

Intaa ka dib Aw Xirsi wuxuu hoggaan u noqday gole siyaasadeed ay Garbaharrey saldhig u tahay oo la magac baxay Golaha Raadinta Jubaland loo dhan yahay.

Maanta gelinkii dambe ayuu Aw Xirsi bartiisa Twitter-ka ku qoray.

“In siyaasadda lagu kala duwanaado waa arrin iska caadi ah. Hase yeeshee in qofkii aad is-af-garan weydaan oo Soomaaliyeedba geeri loo rajeeyo waa mid aan meesha ku jirin.

Maanta goor sii horreysay ayaan kaabbahaygii hore Sheekh Axmed Islaam booqasho sharafeed kooban ugu tegay.”

Maamulka Jubaland ayaan wax falcelin ah ka soo saarin kulankaan oo mid shakhsi ah u ekaa, bacdamaa ay labada mas’uul keligood wada galeen.

Lama oga sababta soo dedejisay kulankaan iyo in uu “booqasho sharafeed” shirkani ku kooban yahay iyo in kale.