Axmed Qoorqoor oo la kulmay qaar ka mid ah Musharaxiinta Madaxweynaha

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa xalay casho sharaf ku casuumay qaar kamid ah Musharixiinta ka soo jeeda Galmudug.

Kulanka Musharaxiinta ka soo qeyb galay waxaa kamid ahaa; Ra’isul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre, Madaxweynihii hore ee Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed, Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir C/raxmaan C/shakuur Warsame iyo Mustaf Sheekh Cali Dhuxuloow.

Kulanka ayaa ahaa mid wadatashi ah oo looga arrinsanayey xaalada doorashada, sidii loo xalin lahaa muranka ka jira guddiyada doorashooyinka iyo xaalada deegaanada Galmudug.

Madaxweynaha Galmudug ayaa muujiyay sida uu diyaar ugu yahay inuu qeyb ka qaato dadaalada lagu xalinayo muranka ka jira Guddiga, isla markaana uu qaato door nabadoonnimo.

Musharaxiinta Madaxweynaha ayaa ka dalbaday Madaxweyne Qoorqoor inuu wax ka bedelo guddiyada doorashada ee uu soo magacaabay, si uu u abuuro hannaan doorasho lagu wada qanacsan yahay.