Ayax ku habsaday deegaano ka mid ah gobolka Sh/dhexe

ayax

Ayax faro badan ayaa lagu soo waramayaa inuu ku habsaday degaano badan oo ka tirsan gobolka Sh/hdexe kaas oo dhibaato badan ku haya beeralayda iyo xoolo dhaqatada ku nool gobolka.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in ayax raxan raxan u soca uu ku habsaday beero ku yaal degmada Mahaday ee gobolka Sh/dhexe.

Guddoomiyaha degmada Mahaday Axmed Xuseen Afrax ayaa sheegay in ayaxan uu baabi’iyay dhul beereed ay ku yaaleen dalagyo kala duwan.

Sidoo kale ayaxa ayaa waxaa uu ku habsaday deegaano kamid ah degmada Aadan,Yabaal iyo RuunNirgood ee gobolka Sh/dhexe.

Odayaasha iyo waxgaradka deegaanadaas ayaa sheegay in ayaxu uu aad xaalufiyay dhul daaqsimeedkii iyo beerihii laga sugayey dalagyada.