Baarlamaanka Galmudug oo ansixiyay Sharciga Dhismaha Ciidamada Booliska

galmudug

Xildhibaanada baarlamaanka dowlad goboleedka Galmudug ayaa maanta ansixiyey Sharciga dhismaha ciidamada Booliska Galmudug.

Wasaarada Amniga dowlad goboleedka Galmudug ayaa dhowaan u gudbisay hindise sharciyeedka dhismaha ciidamada Booliska Galmudug baarlamaanka Galmudug.

Wasiirka Amniga Gudaha Galmudug Axmed macalin Fiqi ayaa u mahad celiyay Guddiga Amniga iyo Xuduudaha iyo Xildhibaanada Barlamaanka Galmudug oo maanta cod aqlabiyad ah ku ansixiyey sharciga dhismaha ciidamada Booliska Galmudug.

Sidoo kale Wasiirka Amniga Galmudug ayaa u mahadceliyay aqoonyahanadii ka soo shaqeeyey sharcigan iyo Madaxweynaha Galmudug oo kaalin muuqata ka qaatay.