Baarlamaanka Galmudug oo ansixiyay Sharciga Golayaasha Deegaanka iyo Dowladaha Hoose

Gacal-2-1024x683-1

Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug kulankoodii maanta oo ay ku yeesheen magaalada Dhuusamareeb ayaa waxa ay ku ansixiyeen Sharciga Golayaasha Deegaanka Dawladaha Hoose.

Kulanka ayaa waxaa shir gudoominayay Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug  Maxamed Nuur Gacal, ajandaha kulan ayaa ahaa Ansixinta Hindise-Sharciyeedka Golayaasha Deegaanka Dowladaha Hoose.

Falanqeynta Hannaanka Doorashada Labada Aqal ee Federaalka iyo Kaalinta Baarlamaanka Galmudug

Sharciga Golayaasha Deegaanka Dawladaha Hoose ayaa waxaa soo diyaarisay Wasaarada Arrimaha Gudaha iyo Dowldaha hoose, iyadoo Baarlamaanka u soo gudbisay kadib markii ay soo ansixiyeen Golaha Wasiirada Galmudug.

Gudiga Dastuurka iyo dib u hishiisiinta iyo arrimaha gudaha Baarlamaanka Galmudug ayaa Xildhibaanada Baarlamaanka maanta ka dalbaday in ay ansixiyaan kadib markii ay soo idlaatay waqtigii dib u eegista Sharcigaan,Waxaa ogolaatay meelmarinta sharcigan Golayaasha Deegaanka Dawladaha Hoose 48 Xildhibaan, waxaa diiday 3 Xildhibaan waxaana ka aamusay, 1 mudane, sidaas ayuuna ansax ku noqday,sida uu ku dhawaaqay Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Maxamed Nuur Gacal.

Wasiir ku xigeenka Wasaarada arrimaha Gudaha iyo iyo Dowladaha hoose Axmed Cusmaan (qooje) ayaa u mahad celiyay Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug isaga oo sheegay in sharcigaan sida uu yahay ay ugu hogaansami doonaan.