Baarlamaanka Hirshabelle oo ansixiyay guddiga doorashada Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa

calan-hirshabel

Xildhibaanada Baarlamaanka Dowlad Goboledka Hirshabelle ayaa kulan ay maanta ku yeesheen magaalada Jowhar waxa ay ku ansixiyeen guddiga doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle.

Kulanka maanta Xildhibaanada ayaa waxaa shir gudoominayay Gudoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle Cabdixakim luqmaan Xaaji Muxumed iyadoo la horgeeyay guddiga doorashada oo ay guddoomiye u tahay mid ka mid ah xildhibaanada dumarka ah ee ka mid ah baarlamaanka2aad ee Hirshabelle.

Guddiga doorashada Madaxweynaha & Madaxweyne kuxigeenka Hir-Shabelle ayaa la filayaa in saacadaha soo socda ay ku dhawaaqaan Jadwalka doorashada Madaxweynaha & Madaxweyne kuxigeenka Hirshabelle.

Guddiga doorashada Madaxweynaha & Madaxweyne kuxigeenka Hir-Shabelle ayaa waxaa guddoomiye u ah  Xildhibaan Caasho Khaliif Maxamed halka uu gddoomiye ku xigeen ka yahay Xildhibaan Abuukar Xasan Cali  waxaana xoghayn u ah xildhibaan Cabdifataax Cabdqaadir Caddow.