Baarlamaanka Hirshabelle oo Ansixiyay Miisaaniyada 2021

Kalfadhiga 1aad Kulankiisa 12 ee Baarlamanka Dowlad Goboleedka Hirshabelle oo uu Shir Gudoominayey Gudoomiyaha Baarlamanka Hirshabelle Cabdixakim Luqmaan xaaji Muxumed ayaa kaqabsoomay Caasimada Hirshabelle ee Jowhar.

Ajendaha Kulankaan ayaa ahaa Ansixinta Miisaaniyada Sanadka 2021 ee Dowlad Goboleedka Hirshabelle

Ugu horeyn Wasiiru Dowlaha Wasaarada Maaliyada Xildhibaan Yusuf Macalin Xassan Jeele ayaa Xildhibaanada kahor akhriyey Miisaaniyada dowlad Goboleedka Hirshabelle ee Sanadka 2021

Sidoo Kale Xoghaya Guud ee Golaha Cabdiwaxiid Maxamed Xussein (Wadaariyaad) ayaa Golaha u akhriyey Warqada soo Gudbinta Miisaaniyada.

Ugu dambeyn Gudoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle Dr. Cabdixakim Luqmaan ayaa Xildhibaanada ka codsaday inay go’aan kagaaran Miisaaniyada Maadaama Sanadka 2020 uu gabo gabo yahay loona baahan yahay in Miisaaniyada Sanadka 2021 go’aan laga gaaro si uusan hakad ugu imaan Howlaha ay Hay’adaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle u hayaan Shacabka Dowlad Goboledka Hirshabeelle

Baarlamanka Hirshabelle ayaa Cod gacan taag ku ansixiyey Miisaaniyada 2021 waxaana natiijada codeynta ku dhawaaqay Gudoomiyaha Baarlamanka Hirshabelle Cabdixakim Luqmaan xaaji Muxumed, waxaana ogolaaday 71 mudane waxaa diiday laba mudane halka hal Xildhibaan uu ka aamusay.