Baarlamaanka Hirshabelle oo doortay guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Guddoomiye ku xigeenka koowaad

luqman

Xildhibaanada Baarlamaanka labaad ee dowlad Goboleedka Hirshabeelle u doortay Guddoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka HirshabelleCabdixakin Luqmaan Xaaji Maxamed.

Cabdixakin Luqmaan Xaaji Maxamed oo helay codad gaaraya ilaa iyo 77 Cod, halka musharax la tartamay ee Maxamed Maxamuud Goodir uu isla helay Codad gaaraya 21, waxaa xumaaday hal Cod.

Guddoomiyaha KMG ah ee Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa ku dhawaaqay in Cabdixakin Luqmaan uu ku guuleystay Doorashada, isla markaana uu noqon doono Guddoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka Hirshabeelle.

Dhinaca kale waxaa noqday guddoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamaanka Hirshabelle Siraaji Sheekh Isxaaq kadib markii uu tanaasulay musharaxii la tartamayay xildhibaan Saadaq Salaad Warsame.