Baarlamaanka Hirshabelle oo mudada dhisida Golaha Wasiirada u kordhiyay Madaxweyne Guudlaawe

Kalfadhiga 1aad Fadhigiisa 9aad ee Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Hirshabelle ayaa maanta ka qabsoomay Caasimada Dowlad Goboleedka Hirshabelle ee Jowhar.

Kulankaan oo uu shir Gudoominayey Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle Dr Cabdixakiim Luqmaan Xaaji Muxumed oo uu wehlinaayo Guddoomiye ku xigeenka 2aad Mudane Mahad Hassan Osman ayaa ajandahiisu ahaa Ansixinta codsiga madaxweynaha ee Mudo kordhinta dhismaha xukuumada iyo Dejinta Qorshe Howleedka Golaha Iyo Guddiyada

Xildhibaanada oo dood dheer kayeeshay Ajendayaasha ayaa ugu dambeyn cod gacan taag ku ansixiyey Ajendayasha Kala ah Mudo kordhinta dhismaha xukuumada iyo Qorshe Howleedka Golaha iyo Guddiyada.

Madaxweynaha Dowlada Goboleedka Hirshabelle Cali Cabdulaahi Xuseen ayaa 45 cisho oo horleh loogu daray si uu u soo dhiso Golaha Wasiirada Dowlad Goboleedka Hirshabelle.

Madaxweyne Guudlawe ayaa 11-kii bishii aynu ka soo gudubnay waxa xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabelle ay si aqlabiyad leh ugu doorteen inu mudada afarta sano ee soo socota uu noqdo Madaxweynaha Hirshabelle.