Baarlamaanka Hirshabelle oo Muddada xilhaynta Baarlamaanka iyo Madaxtooyada ka dhigey 5 sano

Kalfadhiga 1aad Kulankiisa 10 ee Baarlamanka Dowlad Goboledka Hirshabelle ayaa maanta kaqabsoomay Caasimada Hirshabelle ee jowhar

Kulanka oo uu shir Gudoominayey Gudoomiyaha Baarlamanka Hirshabelle Dr. Cabdixakim Luqmaan xaaji Muxumed oo uu wehlinaayo Gudoomiye kuxigenka 2aad Mudane Mahad Hassan Osman ayaa ajandahiisu ahaa U codeynta wax kabadalka Mudo Xileedka Hay’adaha Dastuuriga Dowlad Goboleedka Hirshabelle Maadama xildhibaanada wax kabadal ku sameeyeen Qodobada 33aad iyo 50aad ee Dastuurka Dowlad Goboledka Hirshabelle oo kahadlaaya Muddo Baarlamanka iyo Madaxtooyada.

Xoghayaha Guud ee Golaha ayaa Xildhibaanada kahor akhriyey Qodobada Dastuurka Dowlad Goboleedka Hirshabelle oo Kahadlaaya Awoodaha Baarlamanka Dowlad Goboledka Hirshabelle

Sidoo kale Gudoomiyaha Baarlamanka ayaa Xildhibaanada Faah Faahin kasiiyey Qodobada Dastuurka ee mudan in wax kabadalka lagu sameeyo

Intaas kadib xildhibaanada ayaa gacan taag ku ansixiyey in Mudo Xileedka Hay’adaha Dastuuriga Dowlad Goboledka Hirshabelle oo awal ahaa 4 sano laga dhigo 5 sano.

Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa ku dhawaaqay Natiijada Codeynta Waxaa codeysay 70 xildhibaan,ogolaatay 66 xildhibaan,waxaa diiday 3, waxaa ka aamusay 1.

Baarlamaanka Hirshabelle ayaa noqonaya baarlamaankii ugu horeeyey ee Maamul goboleedyada dalka kororsada muddo sanad ah iyadoo baarlamaanada kale ee dalka ay mudada xil hayntoodu tahay badankood ay yihiin afar sano ah.