Baarlamaanka Puntland oo magacaabaya Guddiga doorashada xubnaha Aqalka Sare

350

Baarlamaanka Maamulka Puntland ayaa maanta la filayaa inuu magacaabo Guddiga qabanaya doorashada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka, ee laga soo dooranayo Puntland.

Xildhibaannada Baarlamaanka Puntland oo maanta ka soo laabanaya fasaxa Ciida ayaa yeelanaya fadhiga 16aad ee kalfadhiga 48aad, waxaana ajandahooda yahay magacaabida Guddi ka kooban 9 xildhibaan oo qaabilsan qabashada doorashada xubnaha Aqalka Sare.

Madaxweynaha Puntland Saciid C/llaahi Deni ayaa maanta la filayaa inuu dib ugu laabto Garowe, kaddib safaro uu ku tagay Imaaraadka Carabta iyo Kenya.

Madaxweyne Deni ayaa laga sugayaa inuu maalmaha soo socda soo gudbiyo Liiska Musharaxiinta u tartamaya kuraasta Aqalka Sare ee laga soo doorto Puntland.

Jadwalka doorashada ee ay dhowaan soo saareen Guddiga doorashada heer Federaal ayaa dhigaya in doorashada Aqalka Sare ay dhacdo 25 July 2021 oo ku beegan maalinta Axada.