Bam gacmeed lagu weeraray guriga Guddoomiye kuxigeenka Baarlamaanka Jubbaland

Weerar bambaano ayaa xalay lagu qaaday hoyga uu magaalada Kismaayo ka degan yahay Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Baarlamaanka Jubbaland Cabdi Buule.

Bam gacmeedkan ayaa waxaa ku dhaawacmay labo ka mid ah ilaalada Guddoomiyaha, waxaana durba xalay magaalada ka bilowday howlgallo lagu baadigoobayo kooxihii ka dambeeyay.

Ciidamada Amniga ayaa la sheegay inay gacanta ku dhigeen dad lagu tuhmayo inay ka dambeeyeen weerarka bambaano.

Wararka ayaa sheegaya in saaka xaafadaha Kismaayo uu ka socdo howlgallo baaritaano ah, iyadoo gurguri loo baarayo.

Muddooyinkii u dambeeyay ayaa waxaa Kismaayo ku soo kordhayay falal lid ku ah amniga, waxaana ka dhacay magaaladaas qaraxyo iyo dilal qorsheysan.