Banaanbax looga soo horjeedo Alshabaab oo ka dhacay Gaalkacyo

397

Wararka ka imanaya magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in banaanbax looga soo horjeedo Ururka Al-Shabaab oo ay soo abaabuleen laamaha Amniga degmada iyo Maamulka Magaalada uu ka dhacay Koofurta magaalada Gaalkacyo.

Banaanbaxa waxaa ka qeyb galay wasiiro ka tirsan Galmudug, Maamulka degmada Gaalkacyo, Saraakiisha Ciidamada, Culima’udiinka, Odayaasha dhaqanka dhalinyarada Haweenka iyo qeybaha kala duwan Ee Bulshada Magaalada Gaalkacyo.

Mas’uuliyiintii ka hadashay banaanbaxa ayaa sheegay inay kas oo horjeedaan dhibaato ay sheegeen in Al-Shabaab ku hayaan Bulshada Soomaaliyeed ayna la dagaalami doonaan.

Mas’uuliyiinta Maamulka degmada Gaalkacyo ee Galmudug ayaa dhankooda waxaa ay uga mahad celiyeen Bulshada sida ay dareenkooda ugu muujiyeen sida ay uga xun yihiin dbibaatada ay Shacabka Soomaaliyeed ku hayaan Al-Shabaab.

Banaanbaxa ayaa ku soo beegmaya xilli maalmihii la soo dhaafay deegaano ku yaal Koonfurta Gobolka Mudug ay ka socdeen dagaalo u dhaxeeyay Ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab.