Banaanbax looga soo horjeedo dilkii Guddoomiye Dhagajuun oo Muqdisho ka dhacay

Dadweyne faro badan oo ka careysan dilkii xalay loogu geystey magaalada Muqdisho guddoomiyihii degmada Hodon ayaa ka dhacay qaar ka mid ah wadooyinka degmada Hodon ee magaalada Muqdisho.

Dadka banaanbaxayay ayaa waxa ay ku dhowaaqayeen ereyo ay ku doonayaan in caddaalada la horgeeyo dadkii ka dambeeyay dilkii Guddoomiyihii degmada Hodan Cabdixakiim Dhegajuun.

Shacabka banaanbaxayey ayaa xiray isgoyska Tarabuunka, waxayna wadadda ku gubeen taayaro, iyagoo dhagxaan ku tuurayay gaadiidka iyo goobaha ganacsiga.

Dhinaca kale Wasaaradda Amniga gudaha ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in gacanta lagu hayo saraakiishii iyo ciidankii ku lugta lahaa dilka Guddoomiyihii degmada Hodan Cabdixakiim Dhegajuun.

Wasiiru Dowlaha Aminga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Farxaan Cali Axmed oo  la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa shacabka Soomaaliyeed u caddeeyey in gacanta lagu dhigay saraakishii iyo ciidamadii ku lugta lahaa dilkii Allaha u naxariiste Guddoomiyii Degmada Hodan Cabdixakiin Cabdiraxmaan  Ciise, kuwaasi oo ku jira gacanta ciidamada dambi baarista ee CID, isagoo bulshada uga tacsiyadeeyay falka dilka ah ee loo geystay guddoomiyihii degmada Hodan.

Wasiiru dowlaha Amniga mudane Farxaan Cali Axmed ayaa shacabka ka codsaday inay is dajiyaan oo ay ku kalsoonaadaan dowladooda