Banaanbax loogaga soo horjeedo dhismaha Maamulka Hirshabelle oo maanta ka dhacay Jalalaqsi

banaanbax

Banaanbax loogaga soo horjeedo hanaanka loo marayo dhismaha cusub ee dowlad goboleedka Hirshabelle ayaa maanta ka dhacay degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan.

Dadka banaanbaxa dhigayay oo isugu jiray dhalinyaro, Haween iyo Odayaal dhaqmeedyo ayaa barqanimadii Maanta isugu soo baxay bartamaha Jalalaqsi, iyagoona sheegay inay si weyn uga soo horjeedan qorshaha la doonayo in lagu dhiso Hirshabeelle, xili ololaha Doorashada socdaan.

Qaar kamid ah dadkii dhigayay Banaanbaxa oo warbaahinta la hadlay ayaa dalbaday in la dhiso Hirshabeelle loo dhan yahay, isla markaana maamulka uu noqdo mid lagu wada qanacsan yahay, lana ilaaliyo awood qeybsiga.

Magaalooyin kale oo ka tirsan Gobolka Hiiraan ayaa waxaa la filayaa in lagu qabto banaanbaxyo kale oo looga soo horjeedo dhismaha cusub ee maamul Goboleedka Hirshabelle oo qorshahu lagu dhisayo Maamulka uu ka socdo Magaalada Jowhar.