Bangiga Dhexe oo beeniyay warar lagu faafiyay Baraha Bulshada

bangiga

Qoraal ka soo baxay Bangiga dhexe ee Soomaaliya ayaa lagu beeniyay warar dhowaan lagu baahiyay baraha bulshada kuwaasoo la xiriiray bangiyada dalka qaarkood.

Warkan ka soo baxay bangiga dhexe ayaa lagu sheegay in aysan jirin wax dacwad ama eedayn ah oo laga soo gudbiyay bangi ka mid ah Bankiyada dalka.

Waxana uu Bangiga dhexe ugu baaqay warbaahinta dalka iyo kuwa dibeddaba (gaar ahaan Baraha Bulshada), in ay ka fogaadaan faafinta xog aan xaqiiqaada ku salaysnayn.

Halkan hoose ka aqriso qoraalka ka soo baxay Bangiga Dhexe;

Wargelin (Press statement)

Bankiga Dhexe ee Soomaaliya isaga oo ka duulaya warar been-abuur ah oo maalmihii u dambeeyay lagu baahiyay Baraha Bushada ee Soomaalida (social media), kuwaas oo looga beensheegayo Bankiyada dalka qaarkood, haddaba Bankiga Dhexe wuxuu guud ahaan dadweynaha iyo gaar ahaan macaamiisha bankiyada Soomaaliyeed u caddeynayaa:

1. In Bankiga Dhexe yahay hay’adda u xilsaaran shati-siinta iyo korjoogteynta bankiyada dalka ka shaqeeya oo dhan.

2. In aysan jirin wax dacwad ama eedayn ah oo laga soo gudbiyay bangi ka mid ah Bankiyada dalka.

3. Bankiga Dhexe ee Soomaaliya wuxuu ku boorrinayaa warbaahinta dalka iyo kuwa dibeddaba (gaar ahaan Baraha Bulshada), in ay ka fogaadaan faafinta xog aan xaqiiqaada ku salaysnayn. Wararka ku saabsan bankiyada iyo shirkadaha maaliyadda ee dalka waxaa laga soo xigan karaa ilaha rasmiga ah, sida Bankiga Dhexe.