Bankiga Adduunka oo hakiyay gargaarka uu siin jirey dalka Sudan

838

Bankiga Adduunka ayaa joojiyay kaalmadii uu siin jiray Suudaan, kaddib markii ciidamada milateriga ay afgambi ku qabsadeen dowladda rayidka ah.

Hogaamiyeyaal siyaasadeed ayaa la xiray Isniintii, taasoo dhalisay mudaaharaadyo dalka oo dhan ah iyo cambaareyn caalami ah.

Midowga Afrika (AU) ayaa sidoo kale Suudaan ka joojiyey xubinimadii ururka, sababo la xiriira qabsashada aan sharciga ahayn ee xukunka. Mareykanka ayaa sidoo kale xayiray $700m (£508m) oo gargaar ah.

Hogaamiyayaasha rayidka iyo militariga Suudaan ayaa ku jiray heshiis awood qeybsi oo jilicsan labadii sano ee lasoo dhaafay.

Goynta degdega ah ee gargaarka ayaa loo badinayaa inay cawaaqib xun ku yeelan doonto dhaqaalaha Suudaan ee burburay, xilli ay hadda bilowday inay cagaheeda ku istaagto.

Dhaqdhaqaaqa Bankiga Adduunka iyo AU ayaa cadaadis dheeraad ah saaray hoggaamiyihii afgambiga, Gen Abdel Fattah Burhan, si uu dib ugu soo celiyo dowladdii rayidka ahayd.

Gen Burhaan ayaa mas’uul ka ahaa heshiiska awood qeybsiga, wuxuuna sheegay in afgambiga uu ahaa mid loo baahnaa si looga fogaado dagaal sokeeye. Waxa uu ku adkaystay in Suudaan ay wali u socoto dimuquraadiyadda iyo doorashooyinka 2023-ka – balse sababtiisa iyo la wareegida lama filaanka ah ayaa si weyn loo diiday.

Madaxweynaha Bangiga Adduunka, David Malpass, ayaa hadal uu soo saaray ku yiri: “Aad baan uga walaacsanahay dhacdooyinkii u dambeeyay ee Suudaan, waxaanan ka baqayaa saameynta weyn ee ay arrintani ku yeelan karto soo kabashada bulsho iyo dhaqaale ee dalka iyo horumarka.

Bishii Maarso, Suudaan waxay awooday inay balaayiin doollar oo deeq ah ka hesho Bangiga Adduunka markii ugu horreysay muddo ku dhow 30 sano, ka dib markii ay fasaxday deymaha lagu leeyahay. Xilligaas, Mr Malpass wuxuu sheegay in waddanku uu xoogaa horumar dhaqaale ah samaynayo, ka dib sannado badan oo uu ku jiray dhibaato xooggan.

Bangiga Adduunka ayaa Suudaan ugu deeqay ilaa $3bn oo gargaar ah si loogu taageero beeraha, gaadiidka, caafimaadka iyo waxbarashada, sida uu sheegay Ra’iisul Wasaare Abdalla Hamdok.

Khudbad uu bishii hore u jeediyay Bangiga Adduunka, ayuu ku sheegay in isbeddelka ku yimid maalgelinta “ay bilaabeen inay miro dhalaan” iyadoo dhaqaaluhu muujiyay astaamo xasilloon. Hadda, taasi mar kale ayay halis ku jirtaa.

Midowga Afrika ayaa bartiisa twitterka ku soo qoray in inkastoo ay soo dhaweynayaan sii deynta ra’iisul wasaaraha oo la xiray Isniintii, Suudaan ay sii ahaan doonto mid laga hakiyo howlaheeda inta laga soo celinayo dowladda rayidka ah.