Bannaan baxyo ka dhan ah dowladda oo berri laga qaban qaabinayo Muqdisho

Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha ayaa qorsheynaya in maalinta berri oo Talaado ka dhigaan qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho bannaan baxyo looga soo horjeeda Madaxweyne Farmaajo iyo isku dayga uu ku doonayo in doorasho hal dhinac ah uu ku qabto.

Sida wararku sheegayaan abaabulka bannaan baxyada ayaa labadii maalmood ee la soo dhaafay la waday, iyadoo Guddiga ay magacaabeen Midowga Musharaxiinta ay arrintan ku howlanaayeen.

Wararka ayaa sheegaya in bannaan baxyada ay dhowr goobood ka dhici doonaan, isla markaana bannaan baxa berri uu hordhac u yahay kuwa maalmaha soo socda la qaban doono oo ay ka soo muuqan doonaan qaar ka mid ah Musharaxiinta.

Dhinaca kale waxaa waxaa la sheegayaa in dowladda Soomaaliya ay qorsheyneyso inay bannaan baxyada la qabanayo ka hortagto, waxaana la diyaariyay ciidamo ka hortaga dibad baxyada la qaban qaabinayay saacadihii la soo dhaafay.

Magaalada Muqdisho ayaa maalinta berri marti gelin doonta mid ka mid ah tartamada awoodaha siyaasadeed oo u dhaxeeya dowladda iyo mucaaradka.