Bayaan loogaga soo horjeedo go’aan ay gaareen qaar ka mid ah Isimada Puntland oo la shaaciyay

Bayaanka ka soo baxay Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Puntland, Labo Madaxweyne hore, Ra’iisul Wasaarihii hore iyo xubno kale oo ka mid ahaa wafdigii Boosaaso tagay 29 December 2021 ayaa ka horyimid qoraalkii qaar ka mid ah Isimada Puntland soo saareen aanu talo ku laheyn, sidaas darteed aanu aheyn mid wax u taraya xasilloonida iyo Wadajirka Puntland.

Siyaasiyiintii qeybta ka ahaa xal-u-helidda xiisadda u dhaxaysa dowladda iyo PSF ayaa sheegay in aysan talo ku lahayn go’aannadii shalay ka soo baxay qaar ka mid ah isimada Puntland.

Siyaasiyiintu waxay ku baaqeen in la ilaasho nabadda iyo xasilloonida inta markale la isaga imanayo xaaladda magaalada Boosaaso.

Halkan hoose ka aqriso Bayaanka;

bayaan loogaga soo horjeedo go'aan ay gaareen qaar ka mid ah isimada puntland oo la shaaciyay

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More