Beesha Absuge oo raalli gelin ka bixisay hadal warbaahinta ay ka sii daayeen xubno ka tirsan beesha 

Shir ay soo qaban qaabiyeen Odayaasha dhaqanka Beesha Absuge oo shalay ka dhacay Muqdisho ayaa waxaa raalli gelin looga bixiyay hadalo warbaahinta laga sii daayay oo ka dhan ah Suldaan Maxamed Cabdi Shidde oo ahaa in xubno ka mid ah Beesha ay xilka Nabadoonimada ka qaadeen Suldaanka.

Shirkan oo ay ka soo qeyb galeen xubno ka socda beesha oo isugu jiray odayaal dhaqan , siyaasiyiin, xildhibaano qaran kuwo federal, maamulada heer gobol iyo heer degmo,  haween, dhalinyaro, culumaa’udiin, aqoonyahan, qurbajoogta iyo waxgaradka beesha absuge oo dhan.
Xubnihii kulanka ka hadlay ayaa waxay sheegeen in warka lagu faafiyay warbaahinta iyo baraha bulshada uu yahay war aan sal aheyn oo waxba kama jiraan.
Shirka waxaa sidoo kale ka soo qeyb galay qeyb ka mida odayaashii dhaqanka ee ka qeyb galay kulankii maalmo ka hor xubno ka mid ah beesha ay sheegeen inay xilka uga qaadeen Suldaanka, waxaana Odayaasha ay ka bixiyeen cudur daar iyo raalli gelin.
Odayaasha sida weyn uga dhex muuqday oo raali galinta bixiyay waxaa ka mida  Nuur Maalin Hiraabe, Maxamuud Cumar Casir iyo Nuur Maxamuud Warsame Jowle oo dhaamntood ku celceliyay in ay marnaba ogoleyn kala qeybsanaanta kana raali galinayaan dhammaan inta maqashay wixii gogoshaas ka dhacay oo ay iyaga qeyb ka ahaayeen.
Waxaa sidoo kale si faah faahsan uga hadlay shirka aqoonyahano iyo mas’uuliyiin ka tirsan Dallada MESA  oo ah Dallad ka shaqeysa waxbarashada iyo dib u heshiisiinta.
Mas’uuliyiinta ayaa ka sheekeeyay sidii ay ugu soo bexeen isla markaana isugu dayeen in ay dhexdhexaadiyaan odayaashii wax tabanayay si ay u baajiyaan kulamada  ay uga soo horjeedeen Suldan Maxamed Cabdi Shide hase ahaatee ay quus ka gaareen kaddib markii Odoyaashii ku adkeeysteen in ay shirka qaban doonaan kuna ridi doonaan suldanka.
Waxaa sidoo kale goobta shirka ka hadlay Ex. Xildhibaan Cabdullaahi Iimaan Afrax oo ku tilmaamay odayaashii qaban qaabiyay shirkii midkaan kan horeeyay ee lagu liidayay beesha Absuge in ay qaldameen isla markaana ka soo noqdaan, waxaana uu carabka ku dhuftay in ayna beeshan u baahneeyn dhaqan ama maamuus dumis ayna beeshu ku caan tahay dowlad dhiska laga soo bilaabo xiligii dowladii daaqiliga aheyd ilaa maanta wuxuu xusay hogaanadii ay beeshu laheyd oo uu ugu magac weynaa AUN Xuseen kulmiye Afrax, Gen Sulaleey,  Gen Maxamed Maxamuud Guuleed.
Xubnihii Madasha ka hadlay ee raalli gelinta bixiyay ayaa waxay kala yihiin:-
1- Cali  Cusmaan Dhiblaawe
2- Cadaan Xuseen Maxamed
3- C/laahi Jimcaale Baaruud
4- Maxamed Ciid Weheliye
5- Nuur Maxamuud Warsame
6- Axmed Calasow Garfiiq
7- Muuse Geesey
8- Cali Nuur Maalin
9- Nuur Maalin Hiraabe
10- Ibraahim Yuusuf Cali
11- Xasan Cabdulle Gafuurey
12. Xildhibaanada Sahro Cumar Maalin
13. C/Laahi Axmed Calasow Shiine