Biden oo u magacaabay xil sare diblumaasi Muqdisho kula kulantay Madaxweynihii hore Xasan Sheekh

Madaxwaynaha la doortay ee Mareykanka Jeo Biden, oo bilaabay howlaha uu ku soo dhisayo xukuumadiisa ayaa xil sare u magacaabay diblumaasi booqasho ku timid Muqdisho lana kulantay madaxweynihii xiligaas Xasan Sheekh Maxamuud.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in Linda Thomas-Greenfield, oo horey u ahaan jirtay Kaaliyaha Xoghayaha arrimaha dibadda ee Afrika in loo magacaabayo safiirka Mareykanka ee Qaramada Midoobay.

Haweeneydan ayaa Soomaaliya booqatay bishii December ee sannadkii 2013-kii, xilligaas oo ay la kulantay wasiirkii Arrimaha dibadda ee Soomaaliya iyo madaxweynihii xilligaas, Xasan Sheekh maxamuud oo hadda ka mid ah musharaxiinta madaxweynaha dalka Soomaaliya.

Sidoo kale, waxay ka mid ahayd wafdi uu hoggaaminayay Xoghayihii arrimaha dibadda ee Mareykanka John Kerry oo Muqdisho tagay bartamihii sannadkii 2015-kii.

Waxay xilligaa la kulmeen Madaxweynihii hore, Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxdii maamul goboleedyada.

Waxaa kullankaas ku wehliyay Ra’iisul Wasaarihii xilligaa Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke iyo ururada bulshada rayidka ah.