Booliska oo ka warbixiyay qarax saaka ka dhacay Muqdisho

Taliska Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa ka hadlay qarax saaka ka dhacay bartamaha magaalada Muqdisho kaasoo sababay qasaare.

War-Saxaafadeed ka soo baxay Booliska Somaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in qaraxan ay ku dhaawacmeen 7 ruux bale uusan jirin cid ku dhimatay.

Booliska ayaa sidoo kale sheegay in gaadiid kala duwan oo isugu jira kuwo caadi ah iyo Mootoyin nooca bajaajka la yiraahdo ay ku burbureen.
Hoos Ka Akhriso War-Saxaafadeed kasoo baxay Booliska Soomaaliya.

Saaka 13-Feb-2021 abaare 9:10 AM, gaari argagixisadu ku soo rartay walxaha Qarxa nuuciisuna ahaa NOAH 3 albaab ah, ayaa soo jiiray barta hubinta gaadiidka ee u dhow iskoyska Dabbka ee Ciidanka Boliiska, Ciidanka oo rasaaseynaya ayuu soo gaaray barta hubinta gaadiidka ee u dhaw isgoyska Sayidka ee laga hubiyo gaadiidka galaya Madaxtooyada.

Qaraxa ayaa dhacay dadka oo ka feejignaa dhawaqa rasaasta iyo qeylo-dhaanta Ciidanka, kaas oo sababay qasaare dhaawac oo gaaray ilaa 7 qofood iyo burbur hantiyeed oo ah 8 gaadiid ah iyo 9 Mooto Bajaaj, walow aysan jirin wax qasaare dhimasho ah oo dadka ka soo gaaray goobta, marka laga reebo naftii haligihii waday gaariga qarxay.

Ilaahay Mahadii, feegijnaanta Ciidanka ayaa sababtay in dadka laga badbaadiyo qatarta argagixasadu la doonaysay ummadda Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan.