Booliska Soomaaliya oo ka hadlay dil saaka loo geystey haween magaalada Muqdisho

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa ka hadlay dil iyo dhaawac saaka ka dhacay degmada Deyniile ee magaalada Muqdisho.

Dilkan oo loo geystey saddex haween laguna dhaawacay mid kalen ayaa boolisku ay sheegeen inay baarayaan ciddaka dambeysay dilkooda.

Qoraal ka soo baxay booliska ayaa lagu sheegay in koox hubeysan ay dishay Saddex haween ah oo laba kamid ah xaamilo ahaayeen.

“Booliska Soomaaliya ayaa baaraya dil loo gaystay Saaka 3 Dumar ah oo 2 ka mid ah ay Xaamilo ahaayeen, kuwaasoo ay toogteen Maleeshiyaad la rumaysan yahay inay Argagixiso yihiin. Ma ahan wax ku cusub Dadka Soomaaliyeed in Hooyooyin nolol u raadsanaya caruurtooda ay si arxan darro ah isaga dilaan Kooxaha Argagixisadda ah.” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay booliska.

Dilka loo geystey haweenkan ayaa si aad ah looga naxay waxana soo wajahday cabsi xoog leh dadka ku nool degmada Deyniile oo uu dilkan ka dhacay.