Boqol ruux oo laga helay maanta cudurka Covid 19 dalka Soomaaliya
Wasaaradda Caafimaadka dowlada Soomaaliya ayaa shaacisay in cudurka Covid 19 baaritaankii ugu dambeeyay ee lagu sameeyay dalka Soomaaliya laga helay boqol ruux.
Dadka laga helay cudurka ayaa ku kala sugan maamul goboleedyada Koonfur Galbeed, Jubbaland iyo Hirshabeelle iyo gobolka Banaadir.
Tirada 24 saac ee ugu dambaysay laga baaray COVID-19 guud ahaan wadanka ayaa boqol ruux ah kuwaasoo 92 laga helay gobolka Banaadir,4ruux Jubbaland,3 koofurgalbeed halka 1 ruux Hirshabelle laga helay. 63 ruux ayaa ah lab halka 37 ay tahay dheddig,Sidoo kale waxaa u dhintey cudurkan 9 ruux.
Guud ahaan tirada guud ee laga helay cudurkan dalka Soomaaliya ayaa waxa ay gaareysaa 3,750 ruux halka heerka dhimashadana ay gaartay 163 ruux.
Dalka Soomaaliya ayaa haatan waxa soo labakacleeyay cudurka Covid 19 iyadoo wararka qaar ay sheegayaan in tirada dhimashada ay aad uga sareyso magaalada Muqdisho tirada ay shaacisay wasaarada caafimaadka.